Hey there. We’re The Early Years Count team sending you fresh info and fun ideas to your inbox.
Want to play? Sign up now to receive tips, ideas and fun ways to make your child’s early years count.
Kindergarten, ee loo yaqaanno Kindy, waa barnaamij waxbarasho oo wakhtiga badhkii ah looguna talogalay carruurta sanadka dugsiga ka horeeya. Aadida barnaamijka Kindy waxa ay u oggolaanaysaa ilmahaaga in uu wax ku barto ciyaarta, saaxiibo samaysto uuna u diyaar garoobo u wareegida dugsiga.
Barnaamijyada Kindy ee ay ansixisay Queensland Government waxa ay ku salaysan yihiin ciyaar waxana bixiya macalin khibrad u leh oo carruurnimada hore ah. Barnaamijyada Kindy waxa lagu bixin karaa xarumaha waxbarashada carruurnimada hore; qaar ka mid ah dugsiyada tuulooyinka ee fog; ama waxbarashada masaafada ama eKindy ee carruurta qaarkood kuwaasi oo aan heli karin xarun.
kindy, carruurtu waxa ay ku barayaan ciyaarta si ay:
Queensland, carruurtu waxa ay aadi karaan Kindy sanadka dugsiga ka horeeya. Adeeg kastaa waa mid midka kale ka duwan qaarkoodna waxa ay lahaan karaan liiska sugida,
sidaa daraadeed waa fikrad fiican in aad kala hadasho doorashadaada adeega kindergarten ee aad dooratay wakhtiga ugu habboon ee ilmahaaga aad diiwaangelin karto.
Ilmahaagu waa in uu noqdaa 4 sano jir 30 ka Juun si uu uga qaybqaato Kindy.
Dhalashada ilmaha | Ilmuhu waxa uu tagi karaa kindy |
1 Luulyo 2013 ilaa 30 Juun 2014 | 2018 |
1 Luulyo 2014 ilaa 30 Juun 2015 | 2019 |
1 Luulyo 2015 ilaa 30 Juun 2016 | 2020 |
1 Luulyo 2016 ilaa 30 Juun 2017 | 2021 |
1 Luulyo 2017 ilaa 30 Juun 2018 | 2022 |
1 Luulyo 2018 ilaa 30 Juun 2019 | 2023 |
Waxa aad u baahan doonta si aad u qorto ilmahaaga:
Adeeggaadu waxa uu ka dhigi doonaa macluumaadkan mid qarsoodi ah waxa aanad galangal buuxa u yeelan doontaa diiwaannada ilmahaaga.
Dhammaan carruurta Queensland waxa ay xaq u leeyihiin in ay aadaan xanaano la ansixiyay ka hor dugsiga.
Barnaamijka kindergarten ee la ansixiyay waxa uu waafaqsan yahay tilmaameyaasha dawlada, waxana weey:
si lagaaga caawiyo in aad ogaato barnaamijka ay ansixisay Queensland Government, waxaad eegtaa ‘kindy tick’.
Lacagta dugsiga xannaanadu waa ay kala duwan tahay iyada oo ku xidhan adeegga. La xidhiidh Kindy gaaga aad doorbiday si aad uga hesho faahfaahin ku saabsan qaabka lacagtiisa.
Kindergarten ka lacagta jaban ama bilaashka ah waxa la siiyaa qoysaska xaqa u leh, ayna ku jiraan qoysaska xanaanada, kuwaasi oo:
Kabitaanka kharashka yar ama bilaashka ah ee kindergarten waxa si toosa loo siinaya bixiyaha adeegaaga. Waxa ay yarayn karaan kharashaadkaaga jeebka ka baxsan. Waxa la qaadan karaa mar kaliya, xataa haddii aad buuxiso shuruudo kala duwan.
Qoysaska carruurtoodu ka qaybqaadanayaan barnaamijka kindergarten maalin dheer sidoo kale waxa ay xaq u yeelan karaan Commonwealth Government Child Care Subsidy.
Macluumaadka ku saabsan xaq u lahaanshaha kaabayaashan Dawladaha Barwaaqo Sooranka waxa laga heli karaa Centrelink.
Carruurta xannaanada ku jirta ama ama daryeelka qaraabonimada sidoo kale waxa ay galangal u yeelan karaan kaabayaal dheeri ah. La xidhiidh Kindy dabadeedna Child Safety
Service Centre si aad u hesho macluumaad dheeri ah.
La xidhiidh Queensland Government taleefonka 13 74 68
Raadi ‘kindy’ www.qld.gov.au/earlyyearscount
Want to play? Sign up now to receive tips, ideas and fun ways to make your child’s early years count.
Complete these short questions to get personalised tips and activities to see how simple and easy it can be.
Get started